Kooban
Read the full fact sheet- Waa wax iska caadi ah inaad si xoogan uga dareen celiso markay ku qabsato dhacdo murugo ama cabsi leh. Dhacdada murugada leh waxay noqon kartaa: dab-kaymeed ama daad dembi ama fal gacan ka hadal ah oo adiga laguu geystay shil baabuur jir ahaan ama galmo ahaan dhib laguu geystay aragtida sawiro, wararka idaacadaha ama baraha bulshada wixii la soo dhigo oo ku saabsan dhacdooyin murugo leh.
- Waxaad la kulmi kartaa falcelino kala duwan oo kala ah mid jireed, maskaxeed, shucuureed iyo dabeecadeed. Laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo aad samayn karto si aad ula qabsato aadna uga soo kabsato.
- Haddii aad wali dareemayso saameynta dhacdooyinkaas murugada leh 3 ilaa 4 asbuuc ka dib, waa muhiim inaad hesho caawimaad.
On this page
Halka laga heli karo caawimaad
- GP-gaaga (dhakhtarkaaga)
- Khabiirkaaga caafimaadka dhimirka, sida dhakhtarka dhimirka, cilmi-nafsiga, la-taliye ama shaqaale bulsho
- Xarunta caafimaadka bulshada ee deegaankaaga
- Adeegga U-gudbinta Cilmi-nafsiga Bulshada ee Australia (Australian Psychological Society Referral Service) Taleefanka 1800 333 497
- Xarunta Phoenix Australia ee loogu talagalay dhibaatooyinka ka yimaada caafimaadka dhimirka ka dibTaleefanka (03) 9035 5599
- Xarunta Baroordiiqda iyo murugada (Centre for Grief and Bereavement)Taleefanka 1800 642 066
Caawin lacag la'aan ah oo taroomada oo uu bixinayo khabiir:
- Haddii aad tahay dhibane horay dambi looga galay, booqo victimofcrime.vic.gov.au/services-for-victims-of-crime-[somali]. Waxaad sidoo kale wici kartaa dhibanayaasha fal-dambiyeedka 'khadka caawinta' 1800 819 817. Turjubaano ayaa la heli karaa.
- Haddii aad shil baabuur gashay, kala xiriir Amber Community – taageerada iyo waxbarashada shilka wadada (03) 8877 6900 ama 1300 367 797.
Waxaad talo ka heli kartaa:
- LifelineTaleefanka 13 11 14
- GriefLine Taleefanka 1300 845 745
- beyondblue Taleefanka1300 22 4636
- NURSE-ON-CALL Taleefanka 1300 60 60 24 – wixii macluumaad caafimaad iyo talooyin aad ka heli karto khabiir ah (24 saacadood, 7 maalmood)
- Website-ka Waalidka Australia – raisingchildren.net.au
Waxaad sidoo kale dhageysan kartaa warbaahinta ka hadlaysa dhacdooyinka naxdinta leh iyo soo kabashada.
Booqo Fasiraada Caafimaadka si aad u hesho macluumaad ku qoran luuqadaada oo ku saabsan dhacdooyinka naxdinta leh iyo soo kabashada.
Sida laga yaabo inaad uga falceliso jaahwareerka
Sida aad uga falceliso ddhacdooyinka naxdinta leh waxay ku xirnaan kartaa:
- nooca iyo marxalada naxdinta leh inta ay la eg tahay baaxadeedu
- inaad leedahay khibrad hore ama tababar
- inaad si toos ah ugu lug lahayd ama aad goobjooge ka ahayd
- inta ay la egtahay caawinta aad heli karto dhacdada ka dib
- waxyaabaha kale ee walaaca leh ee ay naftaadu dareemayso
- sida aad caadiyan ula qabsato dhacdooyinka walaaca leh
- waayo-aragnimadii hore ee naxdinta lahayd.
Marka ay dhacdada murugada lihi dhamaato, waxaa laga yaabaa inaad gasho marxalad aad isku dayayso inaad fahamto wixii dhacay. Taas waxaa ka mid noqon kara ka fakirida ku saabsan:
- sida ay wax u dhaceen iyo sababta ay waxaasi u dhaceen
- sida aad ugu lug yeelatay iyo sababta aad ugu lug yeelatay
- sababta aad u dareemayso sida aad wax u dareemayso
- in dareenka aad qabto uu ka turjumayo qofka aad tahay
- in waayo-aragnimada aad u lahayd marxaladaas ay bedeshay aragtidaada nolosha, iyo sida ay u bedeshay.
Waxa kale oo laga yaabaa inaad la kulanto dareen-celin shucuureed, maskaxeed, jireed iyo dabeecadeed.
Dareen-celinta shucuureed ee ka dhalata dhacdooyinka naxdinta leh
Waxaa laga yaabaa inaad dareento:
- inaad aadisugu buuqdo, walaacdid ama aad baqdo
- argagax, sidii inay tahay in wax kale dhacayaan
- sidii inaad halis ku jirto oo kale
- kabuubyo ama naxdin
- jah-wareer
- qof qiiro iyo xanaaq badan
- daal badan
- niyad jab
- inaad dadka kale difaacayso oo ay ku jiraan xubnaha qoyska iyo saaxiibadaa
- sidii inaad u muuqato qof aan doonayn inuu guriga ka baxo oo kale
- sidii inaad u muuqato qof aan rabin inuu dadka dhex galo ama meelaha aad tagto.
Dareen-celinta noocaas ah waa wax caadi ah, waxaana laga yaabaa inaad hal mar wada dareento dhowr waxyaabood oo ka mid yihiin waxyaabaha aan soo sheegnay.
Waa nooc ka mid ah nidaamyada uu jirkaagu si dabiici ah ugu bogsan karo kuna soo kabsan karo, inta badanna waad ka roonaan doontaa.
Sida ay maskaxdu uga falceliso dhacdooyinka xanuunka leh
Waxaa laga yaabaa:
- in dhanka feejignaantaada ama xasuustaada ay xumaato
- inaad ka fakirto dhacdadii mar aadan rabin inay niyadaada kusoo dhacdo
- in dhacdada naxdinta leh ay maskaxdaada ku soo noqnoqoto
- inaad dareento jahwareer.
Sida jirku uu uga falceliyo dhacdada naxdinta leh
Waxaa laga yaabaa in jirkaaga:
- uu dareemo daal
- kugu adkaato inaad seexdo
- inaad dareento lallabbo, matagto, dawakhaad iyo madax-xanuun
- in dhididkaagu uu aad u bato
- in garaaca wadnahaaga uu kor u kaco.
Sida hab-dhaqan ahaan looga falceliyo dhacdada naxdinta leh
Waxaa laga yaabaa inaad rabto in:
- ka fogaw in lagu xasuusiyo xaallada
- aad maanta dhan ka fakirto kana hadashid wixii dhacay
- aad wax ka beddesho ama aadba joojiso waxyaabaha aad caadiyan samayso maalin kasta
- aad cunto wax badan ama wax yar
- aad cabto khamri iyo kafee/qaxwo badan
- aad sigaar cabto
- aadan seexan.
Sida lagu bogsoodo looguna ladnaado dhibta ka dib
Wax kasta oo nabadgelyadaada ama noloshaada khatar gelinaya, ama nabadgelyada dadka kaleba, waxay ku gelinayaan walaac. Xaaladahan waxa loogu yeeraa 'emergency mode' waana marka jidhkaagu isku dayayo inuu ka jawaabo hanjabaad. Jirkeena waxa uu isku dayayaa in uu na siiyo awood/firfircooni badan muddo gaaban gudaheed si uu u caawiyo badbaadadeena.
Dadka intooda badan waxay ku jiri doonaan xaaladaas loo yaqaan 'emergency mode ka' muddo gaaban. Laakin waxaad ku soo noqon kartaa marxaladaas loo yaqaan 'xaallad degdeg ah' marka ay waxyaabo lama filaan ahi dhacaan ama aad mar kale isku buuqdo. Taasi waa sababta aad u dareemi karto dhacdo naxdin leh markay ku qabsato ka dib.
si aad u caawinto in jirkaagu bogsoodo soona kabsado, waxaad u baahan tahay inaad naftaada caawiso 'xaallad degdeg ah'. Waxay ka caawinaysaa jirkaaga inuu dib u soo kabsado oo uu ku soo laabto heer tamartaadu caadi tahay. Tani badanaa way dhacdaa bil gudaheed qiyaas ahaan hal bil ama inaad bogsooto oo soo kabsato.
Waxaa jira xeelado badan oo kaa caawin kara inaad bogsato aadna soo kabsato. Waxaad awoodaa:
- inaad ogaato inaad soo martay xaalad murugo leh ama cabsi leh. Falcelintaadu waa caadi
- aqbal in aadan dareemi doonin caadiyan sidaad ahayd, laakiin tani waa marxalad laga gudbi doono
- isku day in aadan naftaada u xanaaqin ama ka niyad jabin haddii aadan awoodin inaad wax u qabato si caadiga
- Ka fogow inaad isticmaasho khamri ama daroogo si uu kuu caawimo adiga
- Iska ilaali inaad qaadato go'aano muhiim ah ama isbedel nololeed ilaa aad fiicnaato
- qaado wakhtigaaga si aad ugu laabato noloshaadii caadiga ahayd
- la hadal qof ku taageeri kara oo ku fahmi kara
- isku day inaad ku sii socoto jadwalkaagii oo is mashquuli
- isku dayin in aadan ka baxdo jidkaad ku taagnayd si aad uga fogaato meelo mucayina ama xarakaad
- dejiso waqti aad ku nasato
- waqti u qoondayso jimicsi joogto ah
- u sheeg qoyskaaga iyo asxaabtaada caawimaada aad u baahan tahay, sida waqti aad ku nasato ama aad qof kula hadasho
- isticmaal farsamooyinka nasashada sida yoga, neefsashada ama is-nasin. Waxa kale oo samayn kartaa waxaad ku raaxaysato, sida inaad heeso dhageysato ama aad beerta ka shaqayso
- u muuji dareenkaaga sidaad u dareemayso. Qof ayaad kala hadli kartaa sida aad dareemayso ama waad u qori kartaa
- ka hor tag ku samee xusuustaada iyo waaya-aragnimadaada sidaad u aragto. Ka fakar iyaga, dabadeed dhinac iska dhig. Haddii ay taasi ku xasuusiso, isku day in xusuustaas kugu dhalatay iyo dhibaatada hadda taagan aysan iskaga kaa darsamin.
Haddii aad weli la halgamayso, waxaad caawimaad ka heli kartaan xirfadle
Walwelka ka dhasha dhacdooyinka naxdinta leh ayaa noqon kara mid sii socda. Waa inaad raadsataa caawima mihnadeed haddii aad:
- aad dareemayso murugo shucuureed in ka badan hal bil iyo wax la mid ah markii ay dhacdadu dhacday ka dib
- sii wad inaad aad dareento kabaabyo iyo marnaan
- sii wad inaad muujiso qof qaba calaamado walaac leh
- sii wad weli kugu adag tahay inaad seexato ama qarawyo
- aad isku dayayso in aad iska ilaaliso wax kasta oo ku xasuusinaya wixii aad soo martay
- aadan heysan cid aad la wadaagi karto dareenkaaga
- aad u aragto in xiriirka aad la leedahay qoyska iyo saaxiibada uu dhiban yahay
- aadan feejignaan lahayn
- aad isticmaalayso alkahol ama daroogo
- aadan ku laaban karin shaqada ama aadan maareyn karin masuuliyahada ku saaran ee maalinlaha ah
- sii wad inaad dib u xasuusato waya-aragnimadii dhibta lahayd
- aad dareemayso cabsi mar walba si fududna lagaaga nixin karo.
Ku saabsan ka soo ladnaanta jaahwareerka (PTSD)
Dhacdada murugada leh ka dib, dadka qaarkood waxay ogaadaan inaysan soo roonaanayn bil iyo wax la mid ah ka dib.
Falcelinta noocan ahi waxay siyaabo badan u saamayn kartaa noloshaada. Waxa laga yaabaa inay bedasho xiriirkaad la leedahay qoyskaaga iyo asxaabtaada ama waxaa kugu adkaan karta inaad shaqeyso.
Tani waxay noqon kartaa xanuun qofka ku dhasha dhacdo naxdin leh markay dhacdo ka dib, ama PTSD.
Haddaad is leedahay waxaad qabtaa PTSD, waa inaad caawimaad ka raadsato xirfadle caafimaad.
Haddii waqti kasta aad ka werwersantahay caafimaadkaaga dhimirka ama caafimaadka maskaxda ee qof aad isku dhowdihiin, wac Lifeline 13 11 14.