Better Health Channel
betterhealth.vic.gov.au Department of Health
betterhealth.vic.gov.au Department of Health

Xanuunka neefta dabaylaha (Thunderstorm asthma - Somali)

Wax ka ogow digniinaha, calaamadaha iyo sida loo daaweyn karo xanuunka neefta onkodka (Thunderstorm asthma). U diyaargaroow xasaasiyada cowska xilliyadan.

English

Waa maxay neefta dabayluhu (Thunderstorm asthma)?

Gobolka Victoria, xilliga xilliyada ay yimaadaan xasaasiyada laga qaado cowska waxay socdaan laga bilaabo 1-da bisha Oktoobar ilaa 31-ka bisha Diseembar. Inta lagu jiro wakhtigaan, waxaa laga yaabaa inaad dareento inay siyaadaan neefta iyo sanboorku. Xilliyadaas waxaa kaloo dhalan kara neefta laga qaado dabaylaha ee loo yaqaan thunderstorm asthma.

Neefta onkodku waxay iman kartaa marka xash badan uu ka kaco cowska xashkaas oo hawada ku faafa iyo marka uu yimaado nooc gaar ah oo dabayla ah. Xashka iyo boodhka kaca wuxuu raacaa dabaysha wuxuuna gaari karaa meelo aad u fog. Qaar ka mid ah xashkaas ama boodhkaas cowska ka kaca ayaa kala furmi kara oo sii deynaya waxyaabo yar oo dabaysha la soconaya kuwaas oo yimaada wax yar ka hor inta uusan onkodku imaan. Waxyaabahaas yar ee boodhka cowska la socda waa wax gelaya sambabada marka uu qofku neefta qaadanayo waxayna keeni karaan calaamadaha neefta, xataa dadka aanan hore u qabin xanuunka neefta waxay u keeni karaan neef.

Marka dad badani yeeshaan calaamadaha neefta muddo kooban gudaheed inta lagu jiro xaaladahan, waxaa loo yaqaannaa neefta onkodka.

Yaa halis ku jira?

Dadka halista ugu jira neefta onkodka waxaa ka mid ah kuwa waqti xaadirkan amaba hore u qabay xanuunka neefta, xanuun neefta oo aan lagu sheegin qofka ama sanboorka xilliga gu'ga. Khatarta ugu badan waxaa la kulmi kara dadka xanuunka neefta iyo sanboorka labadaba, waliba haddii aan xanuunkooda neefta si fiican loo maareyn.

Naftaada ka xafid xashkaan xilliyada boodhka ka dhasha cowsku siyaado.

Waxaad ka xafidi kartaa naftaada iyo tan dadka aad daryeesho adoo raacaya tillaabooyinkan fudud:

  • La soco saadaasha khatarta neefta onkodka ee ka dhalata dabaylaha faafa:
  • Ha aadin banaanka marka ay duufaantu socoto, gaar ahaan xilliga dabaylaha ka soo hormara duufaanta. Gudaha gal oo xiro albaabadaada iyo daaqadahaaga. Demi qaboojiyaha hawada banaanka guri soo gelin kara ama kan gaariga (oo ay kujiraan mukeyfyada hawada sii daaya).
  • U qaado dawooyinka ka hortagga sidii laguugula taliyay.
  • Ogow sida loo maareeyo marka neeftu ku qabato. Raac qorshaha lagu maareynayo neeftaada ama isticmaal gargaarka degdega ah ee neefta.

Neefta

  • Haddii aad qabto neef - la hadal GP-gaaga si aad u hubiso sida loo xakamayn karo neefta, oo dib u eeg isla markaasna cusboonaysii qorshaha lagu maareynayo marxalada neefta si aad u xaqiijiso inaad haysato dawada saxda ah ee neefta iyo si aad u hubiso inaad sida saxda ah u isticmaasho. Xusuusnow, waa muhiim inaad u qaadato daawada loogu talagalay in looga hortago neefta sida lagu faray. Waxay kaa caawinaysaa inaysan neefta, oo ay kujirto neefta onkodka aysan kugu kicin.
  • Haddii waligaa ay hore neef kuugu kacday - kala hadal GP-gaaga sidii aad naftaada uga ilaalin lahayd khatarta neefta onkodka.
  • Haddii aad lahayd hiinraag, neef tuur, laabta oo aad ka dareento cidhiidhi, ama qufac joogto ah - la hadal GP-gaaga. Waxay kaa caawin karaan inaad ogaato inaad neef qabto iyo in kale iyo sida aad u maareyn karto xanuunka neefta.
  • Marwalba hore usii qaado daawadaada neefta - taasi waa daawadaada gargaarka degdegta ah ee neefta.

Wixii calaamad ah ee ku saabsan xanuunka neefta ee sahlan, u tag GP-gaaga, la hadal farmashiistaha ama raadi fursado kale oo daryeel ah. Haddii aysan xaaladaadu soo fiicnaaneyn amaba ay ka sii darayso, wac 000 ama tag cisbitaalka.

Sanboorka

  • Haddii xilliyada gu'ga (spring) uu sanboor kugu kaco, la hadal farmashiistahaaga ama GP'gaaga. Waxay kaa caawin karaan inaad sameysato qorshe lagu daaweynayo sanboorka waxayna kuu soo jeedin karaan siyaabo aad iskaga ilaalin karto neefta onkodka. Qorshahaas waxa ka mid noqon doona halka aad si dhakhso ah uga heli karto daawada neefta lacala haddii ay neefta onkodka kugu kacdo - kuwaas waxaa laga heli karaa farmashiyada adoon warqad uu dhakhtar qoray u geyn.
  • Haddii aad isku aragto calaamadaha neefta, raac tillaabooyinka gargaarka degdega ah ee neefta oo xaqiiji inaad sidoo kalena kala hadasho GP-gaaga.
  • Haddii aad la kulantay calaamadaha neefta adoo sanboor qaba ama aadan hubin – u tag GP-gaaga. Marka la ogaado xanuunka, waxaad heli kartaa daaweyn wax ku ool ah oo ku dareensiin doonta kaana caawin doonta inaad si fiican u neefsato.

Gargaarka degdega ah ee neefta

Waa muhiim in qof kasta oo bulshada ka tirsan uu yaqaan gargaarka degdega ah ee neefta. Macluumaadka gargaarka degdega ah ee neefta waxaa laga heli karaa kanaalka Caafimaadka Wanaagsan, Neefta AustraliaExternal Link iyo Golaha Qaranka AustraliaExternal Link .

Wac nambarka saddexda eber (000) isla markiiba haddii:

  • aanu qofku neefsanayn
  • neefta qofka qabatay oo isla markiiba kasii daraysa ama aysan kasoo raynayn
  • ay neef ku kacdo qofka aan loo heli karin daawadii neefta
  • uusan qofku hubin in waxa hayaa ay neef tahay iyo in kale
  • la ogyahay in qofkaas uu leeyahay xasaasiyad (anaphylaxis) aad u daran. Haddii ay arintu sidaas tahay, had iyo jeer sii adrenaline autoinjector marka hore, ka dibna daawada neefta (reliever), xitaa haddii aysan jirin calaamado maqaarka ah.

Si aad macluumaadkan ugu hesho luuqado kale la xiriir Adeega Turjumaada iyo Fasiraadaa (TIS National)External Link 131 450 (wacitaan bilaash ah) oo waydii inay kuu wacaan kalkaalisada la wacan karo (Nurse on Call).

Haddii aad tahay dhegool, ama qof maqalku ku adag yahay, ama aad qabto naafanimo xagga hadalka ah la xiriir National Relay Service (NRS)External Link oo weydii inay wacaan Nurse-on-Call.

Content disclaimer

Content on this website is provided for information purposes only. Information about a therapy, service, product or treatment does not in any way endorse or support such therapy, service, product or treatment and is not intended to replace advice from your doctor or other registered health professional. The information and materials contained on this website are not intended to constitute a comprehensive guide concerning all aspects of the therapy, product or treatment described on the website. All users are urged to always seek advice from a registered health care professional for diagnosis and answers to their medical questions and to ascertain whether the particular therapy, service, product or treatment described on the website is suitable in their circumstances. The State of Victoria and the Department of Health shall not bear any liability for reliance by any user on the materials contained on this website.

Give feedback about this page

Reviewed on: 03-10-2025