Summary
Read the full fact sheet- Waxaad ilmahaaga ka caawin kartaa sidii aad uu uga soo kaban lahayd dhacdo welwel ama cabsi leh. Dhacdooyinkaas waxaa ka mid noqon kara: shilal baabuur, dabka kaymaha iyo daadadka, xanuun degdeg ah ama dhimasho ku timid qof ka tirsan qoyska, fal-dembiyeed, xadgudub ama rabshad.
- Carruurtu waxay eegi doonaan: sida aad adiguba ula tacaasho marxaladaha noocaas oo kale ah, sida aad uga falceliso dareenkooda iyo dhaqankooda.
- Talooyinkani waxay kaa caawin karaan inaad kala hadasho ilmahaaga khibradahooda. Waa muhiim inaad ugu sheegto ilmahaaga xaqiiqada, qaab ay u fahmi karaan oo ku haboon da'dooda.
- Waxaad markasta raadsan kartaa caawimo aad ka helayso qof xirfad leh. Meesha ugu fiican oo aad wax ka bilaabi karto waa GP-ga qoyskaaga.
On this page
Sida ay carruurtu uga falceliyaan dhacdooyinka naxdinta leh
Sida uu ilmuhu uga falceliyo dhacdada murugada ama cabsida leh waxay ku xirnaan kartaa:
- da'dooda
- shakhsiyadooda
- sida adiga ama qoyskaaga aad uga falcelinaysaan
Waxa laga yaabaa in ilmahaagu aanu uga falcelin sidii aad filaysay. Waxay noqon karaan:
- kuwo aanba rabin inay dadka soo dhexgalaan - waxa laga yaabaa inaysanba xiiso u heyn inay wax qabtaan. Waxa kale oo laga yaabaa inay kalsoonidu ku yaraato, aamusaan, ama ay ku noqdaan hab-dhaqankoodii markii ay yaraayeen.
- mashquul - waxa laga yaabaa inay u baahdaan inay dib u sawirtaan dhacdadii. Tusaale, iyada oo loo marayo ciyaaro soo noqnoqda ama sawirro. Waxaa laga yaabaa in ilmahaagu ka baqo dhacdooyinka mustaqbalka ama waxaa laga yaabaa inuu qarwo.
- baqdin/welwel – waxa laga yaabaa in ay dhib kala kulmaan dhanka feejignaanta. Waxaa laga yaabaa inay rabaan inay kuu soo dhawaadaan mar walba, oo ay dhibaato hurdo la kulmaan ama ay si fudud u niyad jabaan.
- caafimaad darro - waxaa laga yaabaa inay yeeshaan madax-xanuun iyo calool xanuun.
Ilmahaaga waxaa laga yaabaa in uu dib u dhac dhanka falcelinta ah inay ku timaado. Carruurta qaarkood waxay u muuqan karaan kuwo wanaagsan, laakiin waxaa laga yaabaa inay falcelintoodu soo ifbaxdo, toddobaadyo ama xitaa bilo ka dib.
Sida looga hadlo dhacdooyinka naxdinta leh
Way caawin doontaa ilmahaaga haddii aad daacad u noqoto. Waxaad awoodi kartaa:
- inaad u xaqiijiso ilmahaaga inay bed qabaan iyo in dhacdada ay dhamaatay. Waxaa laga yaabaa in loo baahdo inaad taas u xaqiijiso marar badan.
- inaad dhegaysato ilmahaaga. Si dhab ah u qaado welwelkooda iyo dareenkooda.
- u sheeg ilmahaaga inaad jeclaan lahayd inaad maqasho sida ay dareemayaan.
- ugu sheeg ilmahaaga wixii dhacay si ku habboon da'dooda. Isticmaal luuqad ay fahmayaan. Haddii ilmahaagu aanu garanayn xaqiiqada aasaasiga ah, waxa laga yaabaa inay isku dayaan inay kaligood fahmaan wixii dhacay. Waxay isticmaali karaan male-awaalkooda ama macluumaad xaddidan si ay u dhammaystirtaan sheekada. Tani waxay ku dhalin kartaa ilmahaaga welwel iyo jahawareer badan.
- xaqiiji in ilmahaagu ogyahay in aanay khaladka ayaga lahayn. Waxaa laga yaabaa inay saas i dhahaan haddii ay qalad sameeyeen ama ay si xun qof uga fakirayeen.
- uga wada hadla dhacdada si qoys ahaan ah. U ogolow qof walba inuu ra'yigiisa ka dhiibto, oo ay ku jiraan carruurta. Tani waxay ka caawinaysaa qof walba inuu dareemo in la taageeray, la dhageystay lana fahmay.
- kala hadal ilmahaaga sida laga yaabo inay dadku uga falceliyaan dhacdooyinka xanuunka leh. U sheeg in sida ay dareemayaan ay caadi tahay marka ay timaado marxaladaha noocan ah. Waxaad u xaqiijin kartaa inay xoogaa kabacdi iska roonaan doonaan.
Sida aad uga falcelin karto dhacdada naxdinta leh
Sida aad uga falceliso dareenka iyo hab-dhaqanka ilmahaaga waxay saamayn doontaa soo kabashadooda. Waa muhiim in:
- aad noqotid qof fahmi kara isbeddelka hab-dhaqankooda. Carruurtu siyaabo kala duwan ayay uga falceliyaan dhacdooyinka murugada ama cabsida leh. Isbeddellada ku yimaadda dhaqankooda sida xanaaqa ama inay isku kaadiyaan markay sariirta jiifaan waa caadi.
- sii ilmahaaga waqti dheeraad ah. Taasi waxay waliba muhiim sii ahaan kartaa wakhtiga jiifka iyo waqtiyada kale ee aad sii kala tageysaan.
- adiga laftigaaga raadso caawimaad. Carruurtu waxay eegaan waalidkood ama daryeelayaashooda si ay u fahmaan dhibaatada ugana falceliyaan. Waxay u baahan yihiin inay dad qaangaar ah ka ag dhowyihiin si ay u fahmaan cabsidooda oo ay niyada ugu dhisaan. Haddii aad murugaysan tahay, adiga xataa waxaad heli kartaa taageero. Haddii aadan sidaas samayn, waxay kordhin kartaa cabsida iyo walbahaarka ilmahaagu dareemayo.
- ugala hadal ilmahaaga sida aad dareemayso qaab markaas ku haboon. Tani waxay ka caawin kartaa inay ayagaba ka hadlaan dareenkooda.
- xusuusnow inay dadku kala duwan yihiin oo laga yaabo inuu leeyahay dareeno kala duwan. Ha ka filin in ilmahaagu uu dareemo sidaad dareemeyso.
- sii ilmahaaga dareen ay ku dareemayaan inay noloshooda iyagu maamulaan. Xitaa inaad u ogolaato inay iyagu sameeyaan go'aannada yaryar waxay dhalin kartaa inay dareemaan inay ayaga masuuliyada loo dhiibay. Waliba tan waxay si gaar ah muhiim u tahay markay dhacdo xaalad qalalaase ah ka dib. Carruurta dareenta inaysan waxba qaban karin waxay la kulmi karaan walbahaar badan.
- isku day in aadan si xad dhaaf ah u ilaalin ilmahaaga. Waa wax iska caadi ah in aad adigu doonayso inaad qoyskaaga soo dhaweysato marka ay dhacdo xaalad dhibaato ah ka dib. Laakiin waa muhiim in laga caawiyo inay dareemaan in adduunka ay ku nool yihiin uu yahay meel ammaan ah oo la joogi karo.
Jadwalka qoyska dhacdada naxdinta leh ka dib
Waa muhiim in:
- aad joogteyso jadwalkaaga caadiga ah haddii ay macquul tahay. Taasi waxay niyada u dhiseysaa carruurta.
- niyada u dhis ilmahaaga haddii aanay maarayn karin hawlahooda caadiga ah. Taas waxaa ka mid noqon kara iskuulka oo ay aadaan ama qabashada hawlaha guriga.
- iska ilaali inaad wax ka badesho jadwalkooda, mas'uuliyadooda ama waxyaabaha laga filan karo dhaqankooda.
- mar kasta doorkaagu ha ahaado qofka qaangaarka ah ee guriga ku sugan. Haddii ay xaaladuhu kugu adag yihiin, waa muhiim in aadan isku halayn ilmahaaga si ay kuu caawiyaan.
Sida aad uga caawin karto ilmahaaga inuu soo kabsado:
Waa muhiim in:
- aad u ogolaatid ilmahaaga inuu helo wakhti badan oo uu ku ciyaaro. Tani waxay noqon kartaa isboorti, ciyaaraha ay jecel yihiin iyo inay la baashaalaan saaxiibadood.
- u ogoloow inay helaan waqti ay ku baashaalaan. Qosol, waqtiyo wanaagsan iyo raaxaysi la wadaago waxay caawin karaan dhamaan xubnaha qoyska inay dareemaan jawi raaxo leh.
- xusuusnow in rabitaanka cuntada ee ilmahaaga uu isbeddeli karo. Haddii aanay rabin inay wax cunaan wakhtiga cuntada, sii cunto fudud oo caadi ah maalintii oo dhan.
- hubi in ilmahaagu helo nasasho iyo hurdo ku filan.
- ka caawi jimicsiga jirka. Tani waxay ilmahaaga ka caawin doontaa walaaca iyo inay wanaajiyaan hurdadooda.
- yaree sonkorta, cuntooyinka midabka leh iyo shukulaatada.
- ku caawi ilmahaaga inuu jir ahaan u nasto. Tani waxay noqon kartaa ku qubeys biyo qandac ah, duugis, waqtiyo loogu sheekeeyo iyo koolkoolin badan.
- beddel hawsha haddii ay ilmahaaga ka xanaajiso ama welwel ku abuurto. Tusaale, bandhig telefishan oo cabsi gelinaya ilmahaaga.
Haddii waqti kasta aad ka werwersantahay caafimaadkaaga dhimirka ama caafimaadka maskaxda ee qof aad isku dhowdihiin, wac Lifeline 13 11 14.
Halka laga heli karo caawimaad
- GP-gaaga (dhakhtarkaaga)
- Kalkaalisada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka
- Xarunta caafimaadka bulshada ee deegaankaaga
- Dhakhtarka carruurta ada ama ilmaha carruurta iyo dhakhtarka maskaxada - dhakhtarkaaga ayaa kuu gudbin kara
- Xarunta Phoenix Australia ee loogu talagalay dhibaatooyinka ka yimaada caafimaadka dhimirka ka dibTaleefanka (03) 9035 5599
- Xarunta Baroordiiqda iyo murugada (Centre for Grief and Bereavement)Taleefanka 1800 642 066
Waxaad sidoo kale talo ka heli kartaa:
- Lifeline Taleefanka 13 11 14
- GriefLine Taleefanka 1300 845 745
- beyondblue Taleefanka1300 22 4636
- Khadka Caawinta Carruurta (Kids Helpline) Taleefanka 1800 55 1800
- NURSE-ON-CALL Taleefanka 1300 60 60 24 – wixii macluumaad caafimaad iyo talooyin aad ka heli karto khabiir ah (24 saacadood, 7 maalmood)
- Website-ka Waalidka Australia – raisingchildren.net.au